Diin

Si racconta che in un tempo lontano la tartaruga fosse “nuda”

Waagii hore diinku hilib guduudan buu ahaa.

Si muoveva solo quando non c’era il sole, per non bruciarsi e per non essere vista dai predatori.

Arooryada hore iyo gabbal gaabkii uun buuna daaqi jiray, si aan cadceeddu u qaban, dugaagga iyo haadduna u arag.

Un giorno Eva chiese ad Adamo il fegato della tartaruga come pegno d’amore.

Berigii dambe ayaa Xaawo, Aadan weydiisatay inuu beer diin u keeno, si ay jacaylkiisa u tijaabiso.

Adamo fu molto combattuto fra il desiderio di compiacere Eva e quello di non uccidere la tartaruga, ma alla fine optò di soddisfare il capriccio di Eva.

Aadan dhan wuxuu uga welwelayay siduu afadiisa u raalli gelin lahaa, dhanna siduu diin u badbaadin lahaa.

Allora chiamò tutti gli uccelli rapaci e disse loro: ” Trovate la tartaruga e portatemi il suo fegato”.

Ugu dambeyntiise inuu Xaawa raalli geliyo ayuu tala ku gaaray. Dabadeedna baad buu isugu yeeray oo ku yiri: ” Diin raadi oo degdeg beerkiisa iigu keen”

La tartaruga, nascosta sotto un sasso, ascoltò le parole di Adamo e piangendo chiese la protezione di Dio.

Diin wuu maqlayay amarka adag oo Aadan bixiyay, isagoo oohin iyo Alla tuug isku deraya buuna nagaar hoosta ka galay.

Dio esaudì la preghiera della tartaruga e la protesse con una conchiglia squamosa forte come la pietra.

Baryihiina waa laga aqbalay oo qolof adag oon cidi daloolin karin baa lagu rogay.

Gli uccelli trovarono la tartaruga e tentarono di ucciderla, non riuscendoci tornarono da Adamo scornati e con il becco a forma di uncino.

Kolkay diin mudda gawinaysay waxna ka tari wayday, bay haaddii iyadoon beer wedin gafuurkuna wada qalloocan yahay Aadan ku laabatay.

Da quel giorno la tartaruga non ha nemici perché nessuno è in grado di rompere la sua corazza.

Waagaa wixii ka dambeeyay, diin cidna kama cabsado, waayo dahaar adag oon la daloolin karin baa ku daboolan.