Lo’Dii Waraabe

Si racconta che in un tempo lontano la iena fosse la proprietaria di tutto il bestiame .

Waagii lo’da dhurwaa baa lahaan jiray.

Una sera, mentre stava riunendo le mucche per la notte, andò da lei un uomo e le chiese del latte. La iena rispose: “Siamo nella stagione secca e le mucche non hanno latte e anche se uccidessi per te un vitellino, non avrei il fuoco per cuocerlo”.

Habeen baa isagoo lo’dii soo xareeyay, nin socota ahi u yimid. Dhurwaagii baa dabadeed ku yiri: “Lo’du caana ma leh, oo waa xilli abaar ah, haddii aan dibi yar kuu qali lahaana dab ma hayo”.

L’uomo le indicò la luna che stava sorgendo e disse: “Se vai a prendere un tizzone da quel grande fuoco, puoi prepararmi qualcosa da mangiare”.

Bishii oo soo bexeysa buu inta farta ugu fiiqay ku yiri: “Waad i soori kartaa, haddii aad tubaashaas qori dab leh ka soo qaaddo”.

La iena rivolse allora lo sguardo verso oriente e dopo aver affidato all’uomo il bestiame, si mise a correre nella direzione delle fiamme.

Waraabihii markuu xagga bari eegay buu holac lagu dagmo indhaha ku dhuftay. Inta ninkii xoolihii kala ballamay, buuna qorrax ka soo bax afka aaddiyey.

Quando si fu allontanata, l’uomo si portò via le mucche. La iena continuò a correre per diverso tempo, ma non riuscendo ad avvicinarsi al fuoco tornò indietro.

Goortii dhurwaagii dhaqaaqay, baa ninkii lo’dii la bazsaday. In mudda ah, markuu sii ordayey, ololkiina waayay buu dib isaga soo laabtay.

Una volta a casa non trovò più le mucche e capì che l’uomo l’aveva ingannata.

Golihii markuu cid ka waayay buuna yaqiinsaday in ninku dhagrayay.

Andò a chiedere giustizia e Dio le diede il permesso di usare la forza e l’astuzia per cacciare il bestiame.

Dhurwaa Ilaah buu u gargelyooday, waxaana loo fasaxay inuu xoog iyo xeel midduu doono xoolaha ku maquunsado.

Dio le disse: “Saranno gli altri ad allevare gli animali e ad affaticarsi con loro, mentre tu te ne ciberai con poco sforzo”.

“Dadkaa dhiqi kuna dhididi, adna dhib yari ugu dheefso” markaa buu yiri.

La iena andò via soddisfatta mormorando a bassa voce: “Uomini, fra voi e me c’è guerra”. La guerra continua ancora e continuerà fino a quando esisterà la iena e gli uomini alleveranno il bestiame.

Waraabe isagoo faraxsan, hoosna ka leh: “Dadow waa noo dagaal” buu goobtii ka daaluqsaday. Dagaalkii weli wuu socdaa, wuuna soconayaa inta waraabe juo, dadna duunyo dhaqayo.