Carrabkii Yaxaas

Si racconta che in un tempo lontano lo sciacallo fosse muto e il coccodrillo avesse la lingua.

Waagii hore dawacadu carrab ma lahayn, yaxaaskuse wuu lahaa.

Un giorno lo sciacallo si recò al fiume per incontrare il coccodrillo e gli disse: “Prestami la tua lingua perché voglio trillare al matrimonio di mia sorella, prometto di riportartela domani”.

Beri baa dawaca carrabla’ yaxaas oo webiga jiinkiisa barqanaya u timid oo ku tiri: “Inaan arooska walaashay ka mashxarado ayaan doonayaa, ee yaxaasow carrabkaaga i maali, waana ballan oo berri ayaan kuu soo celinayaa”.

Il coccodrillo fidandosi dello sciacallo gli diede la lingua.

Yaxaas dawo wuu aaminay, carrabkiina wuu siiyay.

Lo sciacallo scoprì come la lingua fosse utile e come fosse bello poter comunicare, e decise di non riportarla mai più al coccodrillo.

Dawo markay tijaabisay ee ogaatay waxtarka iyo wanaagga carrab leeyahay, bey goosatay in ayan yaxaas dib ugu celin.

Il coccodrillo, dopo aver aspettato invano il ritorno dello sciacallo, adirato disse: “O sciacallo imbroglione, d’ora in poi attento ad avvicinarti alla riva del fiume, sarò sempre qui ad aspettarti”.

Hadduu wax badan sugayay, dawana soo noqoo weyday, buu isagoo careysan yiri: “Dawaca dhagarrey, adna biya webi kaa shiran”.

Da allora, lo sciacallo non si è più avvicinato al fiume e il coccodrillo è diventato muto.

Waagaas wixii ka dambeeyay, dawo webi kama ag dhowaato, yaxaasna weli wuu carrab la ‘yahay, baa la yiri.